CIBAADADA CIDLADA.
Waxaa aad u badan in dad badanu u baxaan Safar dan ama dalxiis amaba ay helaan firaaqo ay kali ku noqon karaan,laakiin waxaa inta badan yar in safarkaas ama cidladaas looga faa'iidaysto fursado Cibaado iyo Alla bari.
Waxaa sugan in Qofka masaafurka ah baryadiisa la aqbalo xiliyada uu Safarka ku jiro,waxaa kale oo sugan in Qofka u baxa cidlo iyo bahgooyo ay ku badan tahay Abuurka dabiiciga ah uu isna haysto Fursad iimaan xoogan oo gayaysiin kara in ducadiisa la aqbalo.
Isla markaana loogu deeqo Nafaxaad yaqiin oo uusan heli karin waqtiyada uu ku shuqlan yahay Nolol maalmeedkiisa!!
فقد قال النبي صلى الله عليه وسلم: ثلاث دعوات متسجابات لا شك فيهن: دعوة المظلوم، ودعوة المسافر، ودعوة الوالد على ولده. رواه الترمذي وحسنه الألباني.
“Rasuulka scw wuxuu yiri:-seddex Qof baryadooda waa la ajiibaa oo shaki kuma jiro,Habaarka qofka la dulmiyay iyo Baryada Masaafurka iyo Ducada uu waalidku Awlaadiisa u duceeyo”.
Bal malee marka Adiga oo cidlo jooga ay kula Tasbiixsanayaan
Ilaahay swt wuxuu inoo sheegay in Dhirtu iyo Xayawaaka iyo Buuraha iyo wax kasta oo Samooyinka iyo Dhulalka iyo inta u dhaxeysa ku sugan tasbiixsadaan laakiin aanan fahmi karin tasbiixdooda.
- تُسَبِّحُ لَهُ السَّمَاوَاتُ السَّبْعُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ وَإِن مِّن شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَٰكِن لَّا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ ۗ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا (44) ...
“Ilaahay waxaa u tasbiixda oo nusqaan ka nasaha todobada Samo iyo dhulalka iyo inta ku dhex nool,maba jiro wax jira oon Eebe u tasbiixsan laakiin ma fahmi kartaan tasbiixdooda,Al
Wuxuu kaloo inoo sheegay Alle swt. In Nabi Daa'uud cs ay la tasbiixsan jireen Shimbiraha iyo Buuraha!!!!!
إِنَّا سَخَّرْنَا الْجِبَالَ مَعَهُ يُسَبِّحْنَ بِالْعَشِيِّ وَالْإِشْرَاقِ (18) وَالطَّيْرَ مَحْشُورَةً ۖ كُلٌّ لَّهُ أَوَّابٌ (19)
“Nabi Daud waxaan u sakhirnay Buuraha oo way la tasbiixsan jireen Galab iyo Subaxba,sidoo kalana Shimbiraha la soo kulmiyay ayaa la tasbiixsan jiray,mid kasta oo kuwaa ka mid ahina Alle ayay u laabanayaan”.
"وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ وَكُنَّا فَاعِلِينَ"
“Waxaan u sakhirnay Nabi Daa’uud Buuraha oo way la tasbiixsan jireen iyaga iyo Shimbirahaba inaguna waxaan ahayn kuwo sidaa yeela”.
Waxaa kale oo xigmadda cidlada laga fahmi karaa jeclaysiintii Rasuulka suuban scw iyo ambiyada kalaba la jecleysiiyay in ay u baxaan Banaanada iyo Buuraha halkaas oo ay ku soo heli jireen Waxyiga iyo Nafaxaadka Iimaaniga ah.
Rasuulka scw Waxyiga ka hor waxaa la jecleysiiyay cidlada oo wuxuu ku noqnoqon jiray god Buur dusheeda ku yaal (Qaaru xiraa)ilaa aakhirkii uu Waxyiga Alle ku soo dagay isaga oo halkaas ku sugan.
Nabi Muuse cs waxaa loo diray oo dab looga bidhaamiyay Buurta siiniin,mar kalana waxaa loo tilmaamay meel miiqaad ah oo uu Rabi kula hadlay.
وَلَمَّا جَاءَ مُوسَىٰ لِمِيقَاتِنَا وَكَلَّمَهُ رَبُّهُ قَالَ رَبِّ أَرِنِي أَنْظُرْ إِلَيْكَ ۚ قَالَ لَنْ تَرَانِي وَلَٰكِنِ انْظُرْ إِلَى الْجَبَلِ فَإِنِ اسْتَقَرَّ مَكَانَهُ فَسَوْفَ تَرَانِي ۚ فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُ لِلْجَبَلِ جَعَلَهُ دَكًّا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقًا ۚ فَلَمَّا أَفَاقَ قَالَ سُبْحَانَكَ تُبْتُ إِلَيْكَ وَأَنَا أَوَّلُ الْمُؤْمِنِينَ
“Muuse kolkii uu yimid halkii aan kula ballanay oo uu Rabigii la hadlay wuxuu yiri Rabiyoow is kay tus aan ku arkee,markaasuu
Sidaa darteed walaal waxaa haboon in aynaan beylihin fursadaha Safarka ama Dalxiiska iyo cidlada iyo firaaqada in aan oga faa'iidaysano xiriirka Rabi iyo Cibaadada.
Dhab ahaantii qofkii tijaabiya wuxuu arki doonaa cajaa'ibta iyo asraarta ku qarsoon bay'da dabiiciga ah ee Rabbi inoo abuuray wuxuu kaloo dareemi doonaa Yaqiin iyo Isbadal iyo waliba Iimaan xooggan oo uu u aayo insha allaah.
Walaal ha moogaan waligaa in kolalka qaar aad u baxdo meelo cidlo ah gaar ahaan meelaha ay dhici karto inaad ka soo hesho Signalada ama xiriirada xooggan ee kobciya iimaanka sida Kaymaha,Badaha,
Meelahaas oo noqon kara kuwo sare u dhiga xiriirka idiin dhaxeeya Adiga iyo Rabigaa ama isku xirnaantiina,ha
Eebe ha ina dhowro meel kasta oon joogno oo umuurteenana ha sahlo hana ina dhigo kuwo Goor iyo Ayaan u heellan weyneyntiisa iyo u irkashadiisa.