Wixii khalad aad u fahanto waan kaa raali gali wallaal
#
ASALKA MAGACYADA REERAHA SOOMAALI[2]
Hadaad u fiirsato badanka magacyada reeraha soomaalida waa magacyo xirfadeed kuwo deegaan iyo kuwo diimeed, sida samaale iyo waaqle oo magac diimeed ah, Hawiye iyo dir oo magac deegaaneed ah iyo Laylkase iyo Shiidle oo magacyo xirfadeed ah, qaabkaas bay u badanyihiin magacyada reeraha soomaalida.
ASALKA ERAYGA TUMAAL IYO BEDBEEDAAN
Waayihii hore, nolosha dadyowga Geeska Afrika waxay 100% ku xirnayd degelka, deegaanka, cimilada iyo bay’adda ay dadkaas ku noolaayeen, Qaar waxay ahaayeen qaraabato kuwana waxay ahaayeen ugaarato.
Qaraabsiga wuxuu ahaa inuu qofka raadsado miro ama caleemo iyo caws iyo cagaar uu cuni karo, geed ama ban uu seexan karo, ul iyo dhagaxaan uu isaga celin karo habardugaata iyo ciddii soo weerarto.
Waatii hore loo yiri: “Dhagax iyo dhuux la iskuma helo”, dadkii waqtigaa noolaa waxa ugu horeeya ay u baahnaayeen si ay u qaraabsadaan ma ahayn miraha ay raadsanayaan ee waxay ahayd sidii ay nafsadooda uga badbaadin lahaayeen wixii qatar ah ooy la kulmaan.
Koox kasto oo qaraabsato ah waxaa raaci jiray rag ilaalo ah oo ka badbaadiyo wixii dhibaato ah, raggaas ama dadkaas ayaa waxaa la yiraahdaa“BEDBE EDAAN" waa reer hadeertan
Raggaan Bedbeedaanka ah ayaa waxay diyaarsan jireen dhagxaan iyo ulo mar kasto u diyaar ah, waxay isku dhufan jireen dhagxaanta shiidka ah si ay u helaan dhagax ay qaadan karaan isla markaasna leh caarrad dhuuban oo wax durta iyo bari kuusan oo gacanta lagu qabsan karo mirihii adagna lagu jabin karo ama lagu burburin karo.
Maadaama aan meel kasto dhagax laga heli karin qof kastana uusan aqoonin xeesha iyo nooca dhagaxa ku wanaagsan in laga dhigo Dhagax-shiidka qaybo bulshada qaraabsatada ka mid ah ayaa howshaa u kacday oo qaban jirtay, dadkaas dhagxaanta isku tuma ayaa waxaa loo yaqaan “TUMAAL”. Hadda tumaashii reer ayaaba loo baxshay Rag iyo dumar isugu jira se asalka rag tumis yaqaan ah unbay ahaayeen oo tumista maal (Tum+maal)
Marka ay tumaashu xoog isugu dhufanayaan dhagxaanta shiidka ah, dhagaxa wuxuu baxshaa dhawaqa “Damb”, waxaana ka soo bixi jiray tamar gubta wixii u dhow dugaaguna ka cararo, Tamartaas dhawaqa “Damb” ka timaada ayay tumaasha u bixiyeen “dab”, qoryihii qalalnaa oo markay isku lisaan dhalinayey tamarta(dabka) iyagana waxay u baxsheen “daab”.
Sameyn qalab difaac oo ka sameysan dhagxaan iyo awoodda soo saarka tamarta dabka ayaa aheyd horumarka ugu weyn ee ay bulshadii Soomaaliga ee qaraabsatada ahayd gaartay, waxaana markii ugu horeysay sameysmay dad ku shaqeysto inay wax dubaan, lana baxay "Dubeys".
Hawsha tumaasha waxaa kale oo ka mid ahaa inay sameeyaan ulo leh af fiiqan oo loo isticmaalo sida hub ama waran wax la isaga celiyo, Qof kasto oo qaraabsan raba ama ugaarsi aadi raba wuxuu qaadan jiray ul samays ah oo dhuuban isla markaasna liilmi og si fududna aan ku jabin.
Waxay Soomaalida doorbidi jirtay in samayda(usha leebka/ waranka) lahaato kurtumo aad u yaryar oo wanaajiya gacan-qabsiga kana ilaaliya siibashada.
Dhirta ugu mudan ee samayda laga goosan jirey waxaa ka mid ah dhebi, dhiitacab iyo maqaari, marka laanta laga soo gooyo geedka iyadoo qoyan ayaa la dubi jiray, la qolof ridi jiray, lana dhalaalin jiray iyadoo lagu xoqayo dhagax xaalufsan oo caarro siman leh una eg dhagax-shiidka.
Waxaa la hubin jiray inay samaydu tahay mid toosan oo af fiiqan haddii kale waxaa majara habaabi karay ridada iyo liishaanka samayda. Waayihii danbe ee la helay birta waxaa caaradda samayda la galin jiray bir dab lagu caseeyay oo iyadoo kululna tumid lagu qaabeeyo, dhinacyadana laga soofeeyo.
Awoowyadii Soomaalida ugaaratada ahayd ayaa waxay u kala baxayeen gabraarato oo xoolaha dila iyo dabato oo xoolaha ama kalluunka nolosha ku qabto.
Labadaba waxay ka sinaayeen iyagoo raashinkooda ugu badan ahaa hilib ama so'
Erayga “hilib” wuxuu ka yimid labada eray oo kala ah “hiil” iyo “lib”, sababtana waa iyadoo ay adkeyd in qof kaliya uu ugaarsi tago, ugaarsigaasna uga libin keeno inuu neef soo disho, sidaas darteed si ay dadka u helaan waxay cunaan waa ay isku hiilin jireen
Hiilkaas ayaa lagu libeysan(guuley san) jiray, wixii la soo helana waxaa lagu magacaabi jiray “Hiillib” ama “hilib”.
Marka neefka hilibka leh dabka la saaro waxaa gubta maqaarka halka Jiirta maqaarka ka hooseysana ay Sosho, qeybta neefka la soo qabsadey oo sosha, ayaa waxaa la yiraah " So' "
Dadka ugaarsada shaqana ka dhigta si ay u helaan "so’" ay cunaan ama dadka kale ay ka iibiyaan ayaa waxaa la yiraah “SO’MAAL”
Deegaanada Haaweeyga ah(dhulhoosaadk a kulul ) ee koofurta ka xiga Buur Heybe iyo Buur Hakaba (Buur Ha-Kabo), waxaa ku noolaa ugaarsato la yiraah KABLALE (Kab-Tuure) ama KABLAALE, waxay ahaayeen dad Xaamiinta Niill ah (Nilo-Hamitic) oo soo raacay ama ka soo horeeyay Soomaalidii Xaamiinta ahayd ee deganeyd dhulkoraadka bartamaha Itoobiya. Qaabkooda iyo jir ahaan marka la fiiriyo waxay ahaayeen dad aad iyo aad u xoog waaweyn, wada murqo ah, waxayna u ekaayeen dadka loo yaqaan Baantuuga oo Soomaaliya soo gaaray waqti haatan laga joogo 150 sano.
Markay ugaarsi aadaan qof kaliya ayaa hal neef oo gaanan(usjin) ah soo dili jiray, isla markaasna dhabarkiisa ku soo qaadi jiray.
Neefka isla marka uu dhagaxa ku dhaco wuu wareeri jiray waayo tuuryadooda ayaa waxay ahayd mid xoog badan weyna orod badnaayeen, markaa neefkii carara way eryan jireen illaa ay ka qabtaan, neefka markii la soo qabto haduu weli nool yahay madaxa ayay dhagxaan uga garaaci jireen oo bir ay ku gawracaan ma jirin, markaa waxay sameyn jireen dhagxaan af leh oo sida midida oo kale ah kaasoo ay ku jeexjeexi jireen neefka, hilibkana isagoo cayriin ah ayay cuni jireen, mararka qaarkoodna haddii ay helaan dab ayey ku bisleyn jireen.
Haddii ay la kulmaan neef bakhtiyay way cuni jireen kadib markay dubaan.
Sida ay dubi jireen neefka ay cunayaan hilibkiisa waxay ahayd qori dheer oo qoyan ayaa la soo goynayaa, labada madax ayaa caarad dhuuban looga sameyn jirey, kolkaasaa neefkii horay iyo gadaal looga dusin jirey, laba nin ayaa labada dhinac kala qaban jiray oo iyagoo usha wareejinayo neefkii ku dul rogrogi jiray dabka.
Kablalaha dhagaxa(shiidka ) ku ugaaran jiray ayaa waxaa la yiraah “SHIIDLE”, (hadeer waa qabiil lixda shiidle).
Si ay ugu sahlanaato ugaarsiga ayaa qaar ka mid ah Nayliinta Xaamka ah ee Kablala waxay korkooda oo idil marin jireen dhoobo/dhiiqo madow ama isku jirka deeb cad iyo dhibco dhoobo madow ah, ama deeb cad kaliya.
Dadka marka ay ugaarsanayaan marsada dhoobada madow kaliya waxay lahaayeen midabka xayawaanka jambeelka (lynx) la yiraahdo waxayna la baxeen JAMBEELLE.
Sarkaalka beesha Jambeele ee ka mid ahaa Boqortooyadii Taliswadaagga Ajuuraan waxaa astaan u ahayd baal-goroyo oo madaxa u suran. Sarkaalka noocaas ah ayaa waxaa loo yaqaan “BAALCAD”.
(Baalcad, absame , kuumade kablalax)
Dadka marsado dhoobada cad iyo baraha madowna waxay isku ekeysiiyeen xayawaanka shabeelka (leopard) la yiraahdo, waxayna la baxeen SHABEELLE(qabii lka reer shabeelle, waana isla ayaga kuwa loogu magac daray wabiga shabeele iyo labada gobol shabeelle waayo deegaankooda ayaa meesha ahaa). Kablalaha marsada dhoobada cad oo magaadka u eg, waxaa la yiraah “MAGAADLE” ama MAGADI
Magaadle waa dadka hirta maqaar lagu marshay magaad.
Maqaarkaan oo dhar ahaanta loo xirtana waxaa la yiraahdaa “DHUGI”, illaa waqti dhowna caruurta iyo haweenka reer miyiga ah way xiran jireen.
Islaamka kadib magaca maxamed ayey abtir ka dhigteen (Magaadle maxamed) sida so'maalba loo yiraah "soomaali maxamed"
Si dadka ugaaratada ah isaga kaashadaan wixii dhibaato ku yimaado waxaa isla degi jirtay oo isla ugaarsan jiray sideed illaa labaatan reer oo la yiraah “HERIN”, waxaana hormuud ka ahaa nin la yiraahdo HARGAANTI.
Hargaantiga waa qof ay dadka aaminsanyihiin inuu leeyahay ayaan(nasiib) burji, karti, kasmo, garaad, xirfad iyo geesinimo dadkana u ah har iyo dugsiimo waa difaaca dhib ku soo fool leh, amarkiisana la raaco.
Herinta markay ugaarsi aadayso isaga badanaa ma raaco fallaaraha ay markaas wax ku dilayaan ayuu mariyaa mariid waayo isaga ayaa u hayaa mariidka herinta oo idil.
Haddii ugaar la soo dilo marka la qaybinayo isaga qeybtiisa waa gaar fadhigiisa ayaana loogu geeyaa, wixii dhibaatooyin oo ka dhex dhaca herinta dhexdeeda asaga ayaa xaliya.
Hargaantigu hadeer way dabargo'een kaliya raadadkooda iyo sheekadooda ayaa la hayaa
Waxay dagi jireen meelaha aadka uga fog magaalooyinka isla markaana ay ku badan yihiin ugaarta, maarta, miraha iyo qaraabka kale ee dhirta.
Waxay ahaayeen dad ka koobnaa rag oo kaliya, waxayna wadan jireen qalab iskugu jira fallaaro, qaansooyin, qoryo hub ah, toorriyo, weelal IWM. Gaadiid ahaan waxay adeegsan jireen awrta iyo dameeraha.
Waa nimanka soo saaray sharciyada ciqaabta ee loo yaqaano “Yakaha”, Yakuhu waa qaab loo ciqaabo qofkii ku xadgudba ama ku dhaqmi waaya xeerka meesha ka jira re hargaantiga, waa ciqaab isugu jirta ganaax iyo ciqaab shaqsiga qaldamay la wada marsiinayo.
Waxaa kale oo ay lahaayeen xeerar ad adag oo aan ina soo gaarin barkoodna ay illaa iyo hadda carruurtu ku ciyaaraan sida; “Xabaal-mooleyd a” oo ay iyagu isku ciqaabi jireen balse qarniyadan dambe ay carruurtu ciyaar ahaan u adeegsadaan, se waxaa dabar-go’ay xeerar aad u adkaa oo ay ka mid ahaayeen qofka xeerkooda ku qaldama oo la qaawin jiray, bannaankana lagu xiri jiray,
Ciqaabtan waxa la mariyo waa rag kaliya maxaa yeelay dumarku lama aysan shaqaysan jirin Hargaantida.
Waxaa kale oo wali sii jira dadkana lagu ciqaabaa qofka oo geed quraanjo badan lagu xidho ka dibna quraanjada lagu cariyo.
Waa nimanka isku dhaarin jiray “Ballan qabaw bawdyaha ka jab” Taas oo illaa iyo hadda la isku dhaariyo, badanaana qofkii ballan muhiim ah ka baxaa inta badan la arko inuu laf-dheerta bawdada ama meel u dhiganta ka jabo, waana sababta ay wali dadka reer miyiga ah ugu maahmaahaan; “Bawda jabtay ballan bay ogtahay”.
Waa nimanki ku shaqaysan jiray waxyaabaha cilmi-falagga loo yaqaano sida: Faalka, Saadaasha, xiddigiska IWM.
Waa sababta ay soomaalidii hore ugu maahmaahi jirtay; “Nin Hargaanti buureed arkay dambaab”.
Halgan—Waa ciidanka toogta wixii ka soo horbaxaba, Libaaxa, maroodiga, gariga, goodirka IWM.
Mariidley—Waa ciidanka fallaaraha sifeeya ama xabbadaha la riday soo uruuriya ka dibna dib macmal uga sameeya.
Saadley— Waa ciidan magaalooyinka ama reeraha loo dirsan jiray si ay sahayda u soo qaadaan.
Tumaal—Waa ciidan fadhiyi jiray oo samayn jiray biraha wax lagu qasho, sida Toorrida, middida, gudinta IWM.
■Mariid ama waabaay waa sun haddey gaarto dhiigga nafleyda dhaqsi u dilaysa, waxaana laga sameeyaa geedo sida mukayga ka baxo dhul carro guduud ah sida Yurkud (tuulo ka tirsan degmada Luuq), iyo meelo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Galgaduud.
Geedaha laga sameeyo mariidka waxay leeyihiin astaamo u gaar ah oo lagu garto, waxaana ka mid ah: Shimbir la yiraahdo fiitaneey ayaa badanaa cuna miraha geedahaas, markay cuntana durbadiiba hore ayay ka dhimataa oo waxaad arkaysaa shimbiro badan oo geedka hoostiisa yaala oo dhintay.
Geedkaas xididkiisa, xabagtiisa ama qolfootiisa ayaa la soo guraa ka dibna dheri inta biyo lagu soo shubo ayaa lagu ridaa oo 7 beri la kariyaa. Markaas kadib ayaa toxobta sare laga qaadaa, Toxobtii ayaa mar labaad la la kariyaa illaa midabkeedu isu bedelo madow halka kolkii hore ka ahaa casaan.
Waxaa lagu tijaabiyaa carrabka oo marka lagu taabto durba adkaada, kadib waxaa toxobtii madoobeed lagu daraa rah la yiraahdo “oomane ama boqolsoon” iyo xidid laga soo gooyay mas weyn ee la yiraahdo “haldheji”.
Mar saddexaad ayaa hadana dabka la saaraa oo la isku karshaa, markuu noqdo sida daamur (laami) la karkariyay waxaa tijaabo ahaan korka laga marshaa diiq weyn. Waxaad arkin diiqa oo durba dhintay.
Waxaa kale oo lagu tijaabiyaa mariidka Dameeraha oo inta weel aan dabool lahayn lagu shubo ayaa la saaraa dameerka, muddo yar kadib waxaad arkeysaa dameerkii oo ay timihii ka baaba’een.
Mariidka markaas la kariyay oo cusub waxaa la yiraahdaa “mishaariyow”, oo uu ugaartuu dhiiggiisu gaaro rugtiisa kama dhaqaaqo oo marka uu gariiro ama shuban ka wareego ayuu halkiisa ku dhintaa.
Mariidka muddo yaalay waxaa la yiraahdaa “qoqob” waana yara adkaadaa degdegna ugaarta uma dilo (Ka soo xigtay Buugga qalinjabinta Jaamacadda ee C/raxiim M. Axmed Mursal, 1986. Bogagga 31-34).
▪︎Hargaantiguul waa ku xigeenka hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu maamulo herinta haduu hargaantigu maqan yahay oo uu meelo kale aado ama uu jiran yahay.
Haddii ugaar la soo dilo hargaantiguulka wuxuu leeyahay qayb ka yar tan hargaantiga, hargaantiguulka ayaana hogaamiya herinta marka ugaarsiga la aadayo.
▪︎Qowse isna waa kaaliyaha hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu qeybiyo ugaarta la soo dilo, cid kale ma qaybineyso aan isaga aheyn; qof walbana wuxuu siinayaa inta uu saami u leeyahay.
Haddii herinta ay duceysanayso isaga ayaa kariya cuntada, waxaana loo yaqaan kariyaha herinta.
Ugaarta lasoo dilo wuxuu ku leeyahay qeyb ka yar tan hargaantiga iyo hargaantiguulka .
Qowse waa sabajoog oo ugaarsi ma aado.
▪︎Uldhexe waa koox ka kooban qiyaastii 20-30 qof, hawsha badankeedna ayagaa qabta.
Waa koox aad iyo aad u tababaran, shaqadooduna tahay ugaarsi kaliya.
Haddii ugaar ay soo dilaan dhammaantood waxay leeyihiin qeyb isku wada mid ah oo ka yar tan Qowse.
Haddii qof uldhexe ka mid ah uu xunuunsado qeybtiisa waa loo geynayaa.
▪︎Uunley waa kooxda ugu hooseysa herinta, waxaa ka mid noqonayaa qof kasta oo herinta ku soo biira.
Kooxdaan waxaa kale oo loo yaqaanaa “deebaad” oo ah shimbir magaceed, sababta loo yirina waa wax sheegsheegooda oo badan.
Uunley waa koox ku jirta tababar ugaarsi iyo iney bartaan sharciga u dejisan herinta, taasoo ah kala danbeynta iyo ixtiraamka, waayo waxay u badan yihiin dhalinyaro, caruur iyo haween.
ASALKA ERAYGA DUBEYS
ASALKA ERAYGA SO’MAAL/ SOOMAALI
Dadkaas deegaankoodu wuxuu ahaa meesha hadda la yiraahdo koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan agagaarka baay iyo bakool
Dadkan waxay ku ugaaran jireen dhagax warafka lagu tuuro ama si caadi ah ayay dhagaxa ama shiidka gacanta ugu tuuri jireen.
ASALKA ERAYGA SHIIDLE IYO JAMBEELLE
ASALKA BAALCAD, SHABEELE IYO MAGAADLE
ASALKA ERAYGA HARGAANTI IYO MARIID
Waxay ahaayeen rag qaraabsato ah oo aan reebi jirin wax kasta oo ay arkaan Libaaxa, shabeelka, maroodiga, gariga, dameer-farawga, goodirka iyo wixi la mid ah.
Waxay ahaayeen niman Ciidan ahaan u kala qaybsanaan jiray afar nooc maalin kastana hawlgali jiray.
Hargaantida shaqooyinkooda ugu muhiimsan waxay ahayd sameynta mariidka oo ugaarsatada u fududeyn jiray inay si fudud u dilaan ugaarta ay u gaaranayaan
Marka laga yimaado hargaantiga, herin kasto waxay leedahay “Hargaanti guul”, “Qowse”, “Ul-dhexe”, “Uunley ama Deebaad”.
ASALKA MAGACYADA REERAHA SOOMAALI[2]
Hadaad u fiirsato badanka magacyada reeraha soomaalida waa magacyo xirfadeed kuwo deegaan iyo kuwo diimeed, sida samaale iyo waaqle oo magac diimeed ah, Hawiye iyo dir oo magac deegaaneed ah iyo Laylkase iyo Shiidle oo magacyo xirfadeed ah, qaabkaas bay u badanyihiin magacyada reeraha soomaalida.
ASALKA ERAYGA TUMAAL IYO BEDBEEDAAN
Waayihii hore, nolosha dadyowga Geeska Afrika waxay 100% ku xirnayd degelka, deegaanka, cimilada iyo bay’adda ay dadkaas ku noolaayeen, Qaar waxay ahaayeen qaraabato kuwana waxay ahaayeen ugaarato.
Qaraabsiga wuxuu ahaa inuu qofka raadsado miro ama caleemo iyo caws iyo cagaar uu cuni karo, geed ama ban uu seexan karo, ul iyo dhagaxaan uu isaga celin karo habardugaata iyo ciddii soo weerarto.
Waatii hore loo yiri: “Dhagax iyo dhuux la iskuma helo”, dadkii waqtigaa noolaa waxa ugu horeeya ay u baahnaayeen si ay u qaraabsadaan ma ahayn miraha ay raadsanayaan ee waxay ahayd sidii ay nafsadooda uga badbaadin lahaayeen wixii qatar ah ooy la kulmaan.
Koox kasto oo qaraabsato ah waxaa raaci jiray rag ilaalo ah oo ka badbaadiyo wixii dhibaato ah, raggaas ama dadkaas ayaa waxaa la yiraahdaa“BEDBE
Raggaan Bedbeedaanka ah ayaa waxay diyaarsan jireen dhagxaan iyo ulo mar kasto u diyaar ah, waxay isku dhufan jireen dhagxaanta shiidka ah si ay u helaan dhagax ay qaadan karaan isla markaasna leh caarrad dhuuban oo wax durta iyo bari kuusan oo gacanta lagu qabsan karo mirihii adagna lagu jabin karo ama lagu burburin karo.
Maadaama aan meel kasto dhagax laga heli karin qof kastana uusan aqoonin xeesha iyo nooca dhagaxa ku wanaagsan in laga dhigo Dhagax-shiidka qaybo bulshada qaraabsatada ka mid ah ayaa howshaa u kacday oo qaban jirtay, dadkaas dhagxaanta isku tuma ayaa waxaa loo yaqaan “TUMAAL”. Hadda tumaashii reer ayaaba loo baxshay Rag iyo dumar isugu jira se asalka rag tumis yaqaan ah unbay ahaayeen oo tumista maal (Tum+maal)
Marka ay tumaashu xoog isugu dhufanayaan dhagxaanta shiidka ah, dhagaxa wuxuu baxshaa dhawaqa “Damb”, waxaana ka soo bixi jiray tamar gubta wixii u dhow dugaaguna ka cararo, Tamartaas dhawaqa “Damb” ka timaada ayay tumaasha u bixiyeen “dab”, qoryihii qalalnaa oo markay isku lisaan dhalinayey tamarta(dabka) iyagana waxay u baxsheen “daab”.
Sameyn qalab difaac oo ka sameysan dhagxaan iyo awoodda soo saarka tamarta dabka ayaa aheyd horumarka ugu weyn ee ay bulshadii Soomaaliga ee qaraabsatada ahayd gaartay, waxaana markii ugu horeysay sameysmay dad ku shaqeysto inay wax dubaan, lana baxay "Dubeys".
Hawsha tumaasha waxaa kale oo ka mid ahaa inay sameeyaan ulo leh af fiiqan oo loo isticmaalo sida hub ama waran wax la isaga celiyo, Qof kasto oo qaraabsan raba ama ugaarsi aadi raba wuxuu qaadan jiray ul samays ah oo dhuuban isla markaasna liilmi og si fududna aan ku jabin.
Waxay Soomaalida doorbidi jirtay in samayda(usha leebka/
Dhirta ugu mudan ee samayda laga goosan jirey waxaa ka mid ah dhebi, dhiitacab iyo maqaari, marka laanta laga soo gooyo geedka iyadoo qoyan ayaa la dubi jiray, la qolof ridi jiray, lana dhalaalin jiray iyadoo lagu xoqayo dhagax xaalufsan oo caarro siman leh una eg dhagax-shiidka.
Waxaa la hubin jiray inay samaydu tahay mid toosan oo af fiiqan haddii kale waxaa majara habaabi karay ridada iyo liishaanka samayda. Waayihii danbe ee la helay birta waxaa caaradda samayda la galin jiray bir dab lagu caseeyay oo iyadoo kululna tumid lagu qaabeeyo, dhinacyadana laga soofeeyo.
Awoowyadii Soomaalida ugaaratada ahayd ayaa waxay u kala baxayeen gabraarato oo xoolaha dila iyo dabato oo xoolaha ama kalluunka nolosha ku qabto.
Labadaba waxay ka sinaayeen iyagoo raashinkooda ugu badan ahaa hilib ama so'
Erayga “hilib” wuxuu ka yimid labada eray oo kala ah “hiil” iyo “lib”, sababtana waa iyadoo ay adkeyd in qof kaliya uu ugaarsi tago, ugaarsigaasna uga libin keeno inuu neef soo disho, sidaas darteed si ay dadka u helaan waxay cunaan waa ay isku hiilin jireen
Hiilkaas ayaa lagu libeysan(guuley
Marka neefka hilibka leh dabka la saaro waxaa gubta maqaarka halka Jiirta maqaarka ka hooseysana ay Sosho, qeybta neefka la soo qabsadey oo sosha, ayaa waxaa la yiraah " So' "
Dadka ugaarsada shaqana ka dhigta si ay u helaan "so’" ay cunaan ama dadka kale ay ka iibiyaan ayaa waxaa la yiraah “SO’MAAL”
Deegaanada Haaweeyga ah(dhulhoosaadk
Markay ugaarsi aadaan qof kaliya ayaa hal neef oo gaanan(usjin) ah soo dili jiray, isla markaasna dhabarkiisa ku soo qaadi jiray.
Neefka isla marka uu dhagaxa ku dhaco wuu wareeri jiray waayo tuuryadooda ayaa waxay ahayd mid xoog badan weyna orod badnaayeen, markaa neefkii carara way eryan jireen illaa ay ka qabtaan, neefka markii la soo qabto haduu weli nool yahay madaxa ayay dhagxaan uga garaaci jireen oo bir ay ku gawracaan ma jirin, markaa waxay sameyn jireen dhagxaan af leh oo sida midida oo kale ah kaasoo ay ku jeexjeexi jireen neefka, hilibkana isagoo cayriin ah ayay cuni jireen, mararka qaarkoodna haddii ay helaan dab ayey ku bisleyn jireen.
Haddii ay la kulmaan neef bakhtiyay way cuni jireen kadib markay dubaan.
Sida ay dubi jireen neefka ay cunayaan hilibkiisa waxay ahayd qori dheer oo qoyan ayaa la soo goynayaa, labada madax ayaa caarad dhuuban looga sameyn jirey, kolkaasaa neefkii horay iyo gadaal looga dusin jirey, laba nin ayaa labada dhinac kala qaban jiray oo iyagoo usha wareejinayo neefkii ku dul rogrogi jiray dabka.
Kablalaha dhagaxa(shiidka
Si ay ugu sahlanaato ugaarsiga ayaa qaar ka mid ah Nayliinta Xaamka ah ee Kablala waxay korkooda oo idil marin jireen dhoobo/dhiiqo madow ama isku jirka deeb cad iyo dhibco dhoobo madow ah, ama deeb cad kaliya.
Dadka marka ay ugaarsanayaan marsada dhoobada madow kaliya waxay lahaayeen midabka xayawaanka jambeelka (lynx) la yiraahdo waxayna la baxeen JAMBEELLE.
Sarkaalka beesha Jambeele ee ka mid ahaa Boqortooyadii Taliswadaagga Ajuuraan waxaa astaan u ahayd baal-goroyo oo madaxa u suran. Sarkaalka noocaas ah ayaa waxaa loo yaqaan “BAALCAD”.
(Baalcad, absame , kuumade kablalax)
Dadka marsado dhoobada cad iyo baraha madowna waxay isku ekeysiiyeen xayawaanka shabeelka (leopard) la yiraahdo, waxayna la baxeen SHABEELLE(qabii
Magaadle waa dadka hirta maqaar lagu marshay magaad.
Maqaarkaan oo dhar ahaanta loo xirtana waxaa la yiraahdaa “DHUGI”, illaa waqti dhowna caruurta iyo haweenka reer miyiga ah way xiran jireen.
Islaamka kadib magaca maxamed ayey abtir ka dhigteen (Magaadle maxamed) sida so'maalba loo yiraah "soomaali maxamed"
Si dadka ugaaratada ah isaga kaashadaan wixii dhibaato ku yimaado waxaa isla degi jirtay oo isla ugaarsan jiray sideed illaa labaatan reer oo la yiraah “HERIN”, waxaana hormuud ka ahaa nin la yiraahdo HARGAANTI.
Hargaantiga waa qof ay dadka aaminsanyihiin inuu leeyahay ayaan(nasiib) burji, karti, kasmo, garaad, xirfad iyo geesinimo dadkana u ah har iyo dugsiimo waa difaaca dhib ku soo fool leh, amarkiisana la raaco.
Herinta markay ugaarsi aadayso isaga badanaa ma raaco fallaaraha ay markaas wax ku dilayaan ayuu mariyaa mariid waayo isaga ayaa u hayaa mariidka herinta oo idil.
Haddii ugaar la soo dilo marka la qaybinayo isaga qeybtiisa waa gaar fadhigiisa ayaana loogu geeyaa, wixii dhibaatooyin oo ka dhex dhaca herinta dhexdeeda asaga ayaa xaliya.
Hargaantigu hadeer way dabargo'een kaliya raadadkooda iyo sheekadooda ayaa la hayaa
Waxay dagi jireen meelaha aadka uga fog magaalooyinka isla markaana ay ku badan yihiin ugaarta, maarta, miraha iyo qaraabka kale ee dhirta.
Waxay ahaayeen dad ka koobnaa rag oo kaliya, waxayna wadan jireen qalab iskugu jira fallaaro, qaansooyin, qoryo hub ah, toorriyo, weelal IWM. Gaadiid ahaan waxay adeegsan jireen awrta iyo dameeraha.
Waa nimanka soo saaray sharciyada ciqaabta ee loo yaqaano “Yakaha”, Yakuhu waa qaab loo ciqaabo qofkii ku xadgudba ama ku dhaqmi waaya xeerka meesha ka jira re hargaantiga, waa ciqaab isugu jirta ganaax iyo ciqaab shaqsiga qaldamay la wada marsiinayo.
Waxaa kale oo ay lahaayeen xeerar ad adag oo aan ina soo gaarin barkoodna ay illaa iyo hadda carruurtu ku ciyaaraan sida; “Xabaal-mooleyd
Ciqaabtan waxa la mariyo waa rag kaliya maxaa yeelay dumarku lama aysan shaqaysan jirin Hargaantida.
Waxaa kale oo wali sii jira dadkana lagu ciqaabaa qofka oo geed quraanjo badan lagu xidho ka dibna quraanjada lagu cariyo.
Waa nimanka isku dhaarin jiray “Ballan qabaw bawdyaha ka jab” Taas oo illaa iyo hadda la isku dhaariyo, badanaana qofkii ballan muhiim ah ka baxaa inta badan la arko inuu laf-dheerta bawdada ama meel u dhiganta ka jabo, waana sababta ay wali dadka reer miyiga ah ugu maahmaahaan; “Bawda jabtay ballan bay ogtahay”.
Waa nimanki ku shaqaysan jiray waxyaabaha cilmi-falagga loo yaqaano sida: Faalka, Saadaasha, xiddigiska IWM.
Waa sababta ay soomaalidii hore ugu maahmaahi jirtay; “Nin Hargaanti buureed arkay dambaab”.
Halgan—Waa ciidanka toogta wixii ka soo horbaxaba, Libaaxa, maroodiga, gariga, goodirka IWM.
Mariidley—Waa ciidanka fallaaraha sifeeya ama xabbadaha la riday soo uruuriya ka dibna dib macmal uga sameeya.
Saadley— Waa ciidan magaalooyinka ama reeraha loo dirsan jiray si ay sahayda u soo qaadaan.
Tumaal—Waa ciidan fadhiyi jiray oo samayn jiray biraha wax lagu qasho, sida Toorrida, middida, gudinta IWM.
■Mariid ama waabaay waa sun haddey gaarto dhiigga nafleyda dhaqsi u dilaysa, waxaana laga sameeyaa geedo sida mukayga ka baxo dhul carro guduud ah sida Yurkud (tuulo ka tirsan degmada Luuq), iyo meelo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Galgaduud.
Geedaha laga sameeyo mariidka waxay leeyihiin astaamo u gaar ah oo lagu garto, waxaana ka mid ah: Shimbir la yiraahdo fiitaneey ayaa badanaa cuna miraha geedahaas, markay cuntana durbadiiba hore ayay ka dhimataa oo waxaad arkaysaa shimbiro badan oo geedka hoostiisa yaala oo dhintay.
Geedkaas xididkiisa, xabagtiisa ama qolfootiisa ayaa la soo guraa ka dibna dheri inta biyo lagu soo shubo ayaa lagu ridaa oo 7 beri la kariyaa. Markaas kadib ayaa toxobta sare laga qaadaa, Toxobtii ayaa mar labaad la la kariyaa illaa midabkeedu isu bedelo madow halka kolkii hore ka ahaa casaan.
Waxaa lagu tijaabiyaa carrabka oo marka lagu taabto durba adkaada, kadib waxaa toxobtii madoobeed lagu daraa rah la yiraahdo “oomane ama boqolsoon” iyo xidid laga soo gooyay mas weyn ee la yiraahdo “haldheji”.
Mar saddexaad ayaa hadana dabka la saaraa oo la isku karshaa, markuu noqdo sida daamur (laami) la karkariyay waxaa tijaabo ahaan korka laga marshaa diiq weyn. Waxaad arkin diiqa oo durba dhintay.
Waxaa kale oo lagu tijaabiyaa mariidka Dameeraha oo inta weel aan dabool lahayn lagu shubo ayaa la saaraa dameerka, muddo yar kadib waxaad arkeysaa dameerkii oo ay timihii ka baaba’een.
Mariidka markaas la kariyay oo cusub waxaa la yiraahdaa “mishaariyow”, oo uu ugaartuu dhiiggiisu gaaro rugtiisa kama dhaqaaqo oo marka uu gariiro ama shuban ka wareego ayuu halkiisa ku dhintaa.
Mariidka muddo yaalay waxaa la yiraahdaa “qoqob” waana yara adkaadaa degdegna ugaarta uma dilo (Ka soo xigtay Buugga qalinjabinta Jaamacadda ee C/raxiim M. Axmed Mursal, 1986. Bogagga 31-34).
▪︎Hargaantiguul waa ku xigeenka hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu maamulo herinta haduu hargaantigu maqan yahay oo uu meelo kale aado ama uu jiran yahay.
Haddii ugaar la soo dilo hargaantiguulka
▪︎Qowse isna waa kaaliyaha hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu qeybiyo ugaarta la soo dilo, cid kale ma qaybineyso aan isaga aheyn; qof walbana wuxuu siinayaa inta uu saami u leeyahay.
Haddii herinta ay duceysanayso isaga ayaa kariya cuntada, waxaana loo yaqaan kariyaha herinta.
Ugaarta lasoo dilo wuxuu ku leeyahay qeyb ka yar tan hargaantiga iyo hargaantiguulka
Qowse waa sabajoog oo ugaarsi ma aado.
▪︎Uldhexe waa koox ka kooban qiyaastii 20-30 qof, hawsha badankeedna ayagaa qabta.
Waa koox aad iyo aad u tababaran, shaqadooduna tahay ugaarsi kaliya.
Haddii ugaar ay soo dilaan dhammaantood waxay leeyihiin qeyb isku wada mid ah oo ka yar tan Qowse.
Haddii qof uldhexe ka mid ah uu xunuunsado qeybtiisa waa loo geynayaa.
▪︎Uunley waa kooxda ugu hooseysa herinta, waxaa ka mid noqonayaa qof kasta oo herinta ku soo biira.
Kooxdaan waxaa kale oo loo yaqaanaa “deebaad” oo ah shimbir magaceed, sababta loo yirina waa wax sheegsheegooda oo badan.
Uunley waa koox ku jirta tababar ugaarsi iyo iney bartaan sharciga u dejisan herinta, taasoo ah kala danbeynta iyo ixtiraamka, waayo waxay u badan yihiin dhalinyaro, caruur iyo haween.
ASALKA ERAYGA DUBEYS
ASALKA ERAYGA SO’MAAL/
Dadkaas deegaankoodu wuxuu ahaa meesha hadda la yiraahdo koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan agagaarka baay iyo bakool
Dadkan waxay ku ugaaran jireen dhagax warafka lagu tuuro ama si caadi ah ayay dhagaxa ama shiidka gacanta ugu tuuri jireen.
ASALKA ERAYGA SHIIDLE IYO JAMBEELLE
ASALKA BAALCAD, SHABEELE IYO MAGAADLE
ASALKA ERAYGA HARGAANTI IYO MARIID
Waxay ahaayeen rag qaraabsato ah oo aan reebi jirin wax kasta oo ay arkaan Libaaxa, shabeelka, maroodiga, gariga, dameer-farawga,