ISLAAMKA IYO TIXGALINTA KALA DUWANAANTA.
Fikirka ah anigaa Xaqii oo soconaya ah inta ikhilaaftayna waa baadil aan istaahilin inay noolaadaan xitaa haday yihiin Muslimiin tukanaysa oo soomaya oo aaminsan shanta tiir ee Islaamka iyo lixda Iimaanka,fikirk
Haddii Nabad la kala helayo Sunanka Alle ee kowniga ah ee aan isbadalin waa midka ogolaaday inay Addoomadiisa ku wada noolaadaan si Nabad ah Caalamkan inoo muuqda,wixii la xisaabtan ah Rabbi xagiisa ayay jirtaa.
Bani aadam meel ku wada nool waa is khilaafayaan waa shaki la’ aan taasi,mid xaq wada iyo mid baadil wadaba,khilaafk
"وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ ( 118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ۗ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ "
“Haddii uu Rabigaa doono dadka oo dhan wuxuu ka dhigi lahaa hal Umad oo isku mid ah,kamana suulayaan dadku inay yihiin kuwo is khilaafsan ilaa in yar oo Alle u naxariistay mooyee oo sidaa ayaana loo abuuray oo loogu talo galay,waxayse kalimadda Rabigaa ku idlaatay inuu Jahanama ka buuxin doono jini iyo insi dhamaantood ciddii raaci wayda dariiqa xaqa ah iyo sidaa uu wax u dhigay”.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa Ilaahay misana waxa uu na barayaa qaabka loola macaamilayo khilaafkaa dabiiciga ah ee uu ku daray sunankiisa kowniga ah oo Ilaahay wuxuu yiri mar uu taa ka hadlayay.
"قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا "
“Mid kasta ha u camal falo dhankiisa iyo sida ay toosnaanta la tahay Rabigiin uun baa garanaya midka wadada toosan haya”.
Wuxuu kale oo Eebe yiri:-
"وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ ۖ أَنتُم بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ "
“Haday ku beeniyaan oo ay xaqa diidaan waxaad ku tiraahdaa waxaan leeyahay camal falkeyga idinkuna waxa aad leedihiin camal falkiina,idinku
Wuxuu kale oo Alle yiri:-
"قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ قُلِ اللَّهُ وَإِنَّا أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَى هُدًى أَوْ فِي ضَلالٍ مُبِينٍ "
“Waxaad ku tiraahdaa oo yaa idinka arsaaqa Samada iyo Arlada ku dheh miyuusan Alle ahayn hadde ogaada kolkaa annaga mise idinka midkayo ayaa quman ama baadi cad ku sugan”
Runtii waa usluub cajiib ah oo ay insaaniyad ka muuqato sida Alle inoo barayo qaabka hadalka iyo doodda inoo dhaxeyn karta inaga iyo kuwa ina khilaafsan ee inaga aragti duwan,ilaahay muu oran ku dheh idinkaa khaldan oo inagaa saxan,tiiyoo la og yahay inuu Rasuulku scw ahaa midka saxan ee xaq Alle u soo dhiibay siday.
Sideedana in Aadanuhu Nabad ku wada noolaado oo Adyada iyo Dulmiga ay iska daayaan waa waxyaabaha ugu mudan oo uu Islaamkeenu si ku celcelis ah inoo barayo,oo Islaamku wuxuu isku xiray in Islaam la ahaado oo Iimaan la lahaado inay ku xiran tahay in Dadka Naftooda iyo Maalkooda loo Nabad galiyo.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
“المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده، والمهاجر من هجر ما نهى الله عنه".
“Muslim waxaa ah midka ay Muslimiinta ka nabad galaan Afkiisa iyo Addinkiisa,Muha
Mar kalana wuxuu yiri Rasuulka scw:-
"المسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمؤمن من أمنه الناس على دمائهم وأموالهم"
تعليق شعيب الأرنؤوط : إسناده قوي
وهو في (سنن النسائي:ج8ص104ر
“Muslim waxaa ah midka ay Dadka ka nabad galaan Afkiisa iyo Addinkiisa’Mu’m
Ugu dambeyntii walaalayaal waxaa haboon inaan noqono Muslimiin Insaaniyiin ah oo ku socda sida ay Diintayadu ina farayso.
Waadna mahadsan tihiin.