ISLAAMKA IYO CAAWINTA DUMARKA GAROOBADA AH.
Islaamku wuxuu dhiiri galiyay u gargaarida Garoobada wuxuuna shaaca ka qaaday in u samafalkooda lagu muto Jano iyo u dhowaansho Eebe oo Rasuulku scw wuxuu yiri:-
“((الساعي على الأرملة والمسكين كالمجاهد في سبيل الله)).
“Midka u taagan u gargaaridda Garoobada iyo Masaakiinta ee ku dadaalaya caawintoodu wuxuu xagga ajarka la mid yahay mid jidka Eebe ku jihaadaya oo shahiid ah”.
Wuxuu kale oo uu rasuulka yiri:-
“((الساعي على الأرملة
كالقائم لا يَفْتُرُ،وكالصا
“Midka u dadaala Garoobada oo u istaaga caawintoodu wuxuu la mid yahay xagga ajarka mid waligii Sooman oon joojinaynin Soonka iyo nin waligii Salaad u taagan oo joojinaynin Salaad badnida”.
Waxan og nahay in Cibaadooyinka Soonka iyo Salaadda ay ka mid yihiin cibaadooyinka sare Ee Eebe loogu dhowaado oo ajarka ugu badan iyo dambi dhaafyadaba lagu helo,haddii cibaadooyinkaa saa u qaaliga ahi ajarkooda lagala mid dhigay u kaalmeynta garoobada(singl
ويقول عبد الله بن أبي أوفى رضي الله عنه: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يكثر الذِّكر، ويُقِلُّ اللغو، ويطيل الصلاة، ويقصِّر الخطبة، ولا يأنف أن يمشي مع الأرملة والمسكين، فيقضي له الحاجة) رواه النسائي وصححه الألباني.
“Rasuuulka scw wuxuu ahaa mid xuska Eebbe badiya,oo hadal tirada yareeya,oo Salaadda ku dheeraada,oo khudbada gaabiya,oo aan iskala weyneyn la socshada garoobada iyo masaakiinta si uu dantooda ugu gudo.
وفي رواية للحاكم: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلّم لا يستنكف أن يمشي مع الضعيف والأرملة، فيفرغ لهم من حاجاتهم).
“Rasuulka scw wuxuu shaa mid aan inaba iskala weyneyn in uu la socdo dadka ducafada ah iyo garoobada oo uu dantooda ka shaqeeyo”.
Rasuulka scw wuxuu ahaa mid ku caan baxay arinkaa Garoobo u gargaaridda ah,oo adeerkii Abuudaalib ayaa gabay uu nabiga scw ku amaanayay xitaa ku xusay arintaa.
وَأَبْيَضُ يُسْتَسْقَى الْغَمَامُ بِوَجْهِهِ ثِمَالُ الْيَتَامَى عِصْمَة لِلأراملِ.
“Muxamad scw waa Mid qurux badan oo wajigiisa daruuraha looga roob doono,oo u gargaara agoomada,garoob