QURAANKU MUXUU INAGU HAGAYAA

QURAANKU MUXUU INAGU HAGAYAA?!


Ilaahay wuxuu yiri:-


إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا (9)

“Qur’aankan wuxuu dadka ku hagayaa hadba sida ugu toosan,wuxuuna ugu bishaaraynayaa kuwa Rumeeya ee Camalka wanaagsan la yimaada in ay leeyihiin ajar weyn”.


Quraanku wuxuu dadka ku hagayaa in ay Rumeeyaan Eebaha iska leh awoodda weyn ee koonka iyo inta ku dul sugan iyo asbaabta ay waxa jira ku jiraanba iska leh.


Quraanku wuxuu dadka ku hagayaa in ay cadaaladda isku xukumaan oo dulmigana ka tagaan.

"۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ بِالْقِسْطِ شُهَدَاءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَىٰ أَنفُسِكُمْ أَوِ الْوَالِدَيْنِ وَالْأَقْرَبِينَ ۚ إِن يَكُنْ غَنِيًّا أَوْ فَقِيرًا فَاللَّهُ أَوْلَىٰ بِهِمَا ۖ فَلَا تَتَّبِعُوا الْهَوَىٰ أَن تَعْدِلُوا ۚ وَإِن تَلْوُوا أَوْ تُعْرِضُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا (135)

"Kuwa iimaanka laga helayoow noqda kuwo si aad iyo aad ah ugu taagan cadaaladda,naftiina inaad cadaalada ku qabataanba Alle ha ka dhigo eh,ama labadiina waalid,ama xigaalihiina,dadka aad u garsooraysan qani iyo faqiir mid ay yihiinba idinka waxba idinkama galin oo Eebe ayay u taal,ee hawadiina ha raacina si aad cadaaladda oga leexataan,haddii aad leexisaan cadaaladda ama aad ka jeesataan garsoorka hufan Eebe waxaad samaynaysaan wuu og yahay-wuuna idinkula xisaabtami.


Quraanku wuxuu dadka ku hagayaa in ay Akhlaaqda iyo Dabeecadda wanaagsan ku dhaqmaan oo ay Akhlaaq darada iyo dabeecad xumida iska daayaan.

"وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ (4)"

“Adiga-Nabi Muxamadow-waxaad ku sifaysan tahay ood ku dul sugan tahay Akhlaaq weyn iyo dhaqan suuban”.

Saameynta akhlaaqda hadalka ayay ka billaabataa sidaa darteed buu Eebe u faray in hadalka la wanaajiyo,oo dadka si fiican loola hadlo.

" (وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْناً)"

“Dadka si fiican ula hadla”.

"وَقُل لِّعِبَادِي يَقُولُوا الَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ

"U sheeg addoomadayda in ay ku hadlaan hadba hadalka san”.


Quraanku wuxuu dadka ku hagayaa in ay noloshooda raadsadaan oo ay kasab xalaal ah iyo hanti ay nolosha dunidooda u kaashadaan yeeshaan.

"هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ (15)

“Eebe waa midka arlada idiinka dhigay mid idiin dullaysan ee ku socda dacaladeeda oo ka quuta risqiga Eebe oo ogaada in xagiisa uun laydinka soo saari doono mar kale geerida ka dib”.

"قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (32)

"Waxaad ku tiraahdaa oo yaa xarrimi kara quruxda Eebe ee uu Addoomadiisa u soo saaray iyo arsaaqda wanaagsan,u sheeg quraxdaa iyo arsaaqda wanaagsanba inay kuwa Eebe rumeeyay wax ku leeyihiin xayaatada dunidan dunida dhow,oo ay isla markaana iyaga u gaar noqonayso maalinta Qiyaamaha,Sidaas baanu tusmooyinkayaga ugu kala dhigdhignaa qoom kasta oo wax garanaya”.


Quraanku wuxuu farayaa in ay dadku caqliga iyo maanka kaashadaan oo ilaahay aayado badan ayuu ku yiri:-

"أَفَلَا تَعْقِلُونَ "

“War miyaydaan caqli qaadaneynin”

13 goor ayuu eebe quraanka ku yiri أَفَلَا تَعْقِلُونَ ﴿.


Si taa la mid ah In la fakaro oo caqliga laga shaqaysiiyo ayuu quraanku farayaa.

"وَاللَّهُ أَخْرَجَكُم مِّن بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ لَا تَعْلَمُونَ شَيْئًا وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۙ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ (78)

"Ilaahay wuxuu idinka soo saaray caloosha hooyooyinkiin idinka oon wax garaneynin,kolkaasuu idiin yeelay maqal iyo arag iyo qalbi si aad ugu shukridaan”

Araga maqalka iyo dhugtaba waxay ka mid yihiin aaladaha macrifada iyo fikirka loo adeegsado.


قُلْ هُوَ الَّذِي أَنشَأَكُمْ وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۖ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ (23)

"Waxaad ku tiraahdaa Eebe waa midka idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo qalbiga,ee yaraa intaad shukrinaysaan ood Eebe u mahad celinaysaan”.


Quraanku wuxuu hagayaa oo hoga tusaaleynayaa cilmiga oo uu dadka ku dhiiri galinayaa.

"قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ (9)

“Waxaad ku tiraahdaa oo miyay siman yihiin kuwa wax bartay ee aqoonta leh iyo kuwa aan wax baran een waxba ogayn”waxaa uun waansama oo wax ku qaata waaya kuwa caqliga leh”.

"قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَ ۚ "

“Waxaad ku tiraahdaa dhulka ku socda - oo idinka oo maankiina kaashanaya-soo eega sida uu ku billowday khalqiga”


Ugu dambeyntii walaal gees kasta oon ka eegnaba quraanku wuxuu hagayaa wanaag iyo wax aysan nolosha insaanka ka maarmin adduun iyo aakhiraba.








Rasumaltv

Waaxaan idin ka codsanayaa soo dhawayn

Post a Comment

Previous Post Next Post