KU MASH QUUL WIXII MACNO KUU LEH

KU MASHQUUL WIXII MICNO KUU LEH.

Akhristaha sharafta badanoow in yar iga amaahi Waqtigaada qaaliga ah oo Isha mari Adiga oo mahadsan Qormadan ay dhici karto inaad wax uun ka kororsato.

Walaal kolay wax baad Akhriyaysaa ama Qoraysaa'ama ka Fekeraysaa,amaba aad ku Mashquulsan tahay,ee waxaasi ha noqdaan wax adiga dan kuu ah ama dadka kale anfacaya.

Waa inaysan noqon waxa aad ku mashquulsan tahay wax Adiga ku dhibaya ama dadka kale dhibaateynaya.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

"لا ضرر ولا ضراراً"
"Dhib ma jiro is dhibna ma jiro"!

Marka sidaa darted ha ku mashquulin wax aan micno kuu samaynaynin Adduun iyo Aakhiraba.

Ilaahay swt waxa uu yiri:-

"وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا"

"Ha raac-raacin wax aan dan kuugu jirin ama Cilmi kugu soo kordhinaynin waayo Maqalka iyo Araga iyo Qalbigaba waa kuwo wax layska weydiin doono oo layskula xisaabtami doono"

Dad badan baa mooda marka arimahan oo kale laga hadlayo in laga wado ha laga tago Madadaalada Ama Baashaalka iwm,taasina sax maaha oo Faakihaysiga iyo Raaxaysiga waa qayb Nolosha ka mid ah lamana diidana bal waxaa layska rabaa in uu qofku saacado Noloshiisa ka mid ah ku Mashquulsanaado dhisidda jirkiisa oo jimicsi iyo sport iyo cayaaro uu ku helayo,dhisidda Maskaxdiisa oo ku heli karo dheelidda geemamka Maskaxda kobciya,ama dhagaysiga Suugaanta qaybaheeda kala duwan ama inuu dalxiis ama vocation u baxo.

Intaasoo dhan waa wax qofka u kordhinaya qiimo ay Noloshiisa u baahan tahay lkn waxaa loo baahan yahay inuu qofka isu dheelitiro Noloshiisa, oo ka kooban xilki Shaqo,xilli Cibaado,iyo xilli Madadaalo xalaal ah.

Alle waxa uu yiri:-

"هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا"

"Alle waa midka idiin abuuray wax Allaale iyo wixii Dunida guudkeeda saaran oo idil idinka"yacni inaad ka faa'iidaysataan.

Xadiis Rasuulka scw ka sugnaaday baa wuxuu ahaa:

"روى مسلم عن أبي عثمان النهدي عن حنظلة الأسيدي قال : وكان من كتاب رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: لقيني أبو بكر فقال كيف أنت يا حنظلة؟ قال: قلت: نافق حنظلة! قال: سبحان الله، ما تقول؟ قال: قلت: نكون عند رسول الله صلى عليه وسلم يذكرنا بالنار والجنة حتى كأنا رأي عين، فإذا خرجنا من عند رسول الله صلى الله عليه وسلم عافسنا الأزواج والأولاد والضيعات فنسينا كثيراً. قال أبو بكر: فوالله إنا لنلقى مثل هذا، فانطلقت أنا وأبو بكر حتى دخلنا على رسول الله صلى الله عليه وسلم، قلت: نافق حنظلة يا رسول الله، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : "وما ذاك؟." قلت: يا رسول الله نكون عندك تذكرنا بالنار والجنة، حتى كأنا رأي عين، فإذا خرجنا من عندك عافسنا الأزواج والأولاد والضيعات نسينا كثيراً ، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم :

" والذي نفسي بيده؛ إن لو تدومون على ما تكونون عندي وفي الذكر لصافحتكم الملائكة على فرشكم، وفي طرقكم ،

ولكن يا حنظلة ساعة وساعة ثلاث مرات " ."

Xadiiska micnahiisa oo kooban wuxuu ka tarjumayaa in Saxaabiga Xandala la yiraahdo uu ka hor yimi Abuubakar labadoodaba Alle ha ka raali noqdee,kolkay isa salaameen ka dib ayaa Xandala yiri:ninyahow Munaafaqnimo ayaan isaga cabsanayaa waayo markaan Rasuulka scw la joogno oo aan wacdiga iyo digriga dhagaysanaynana si baan nahay markaan ka soo kacno oon danaheena raacanana si kale ayaan nahay oo inaan Caruurta iyo reerka la Madadaalano oo aan tacab ku mashquulno oon ilowno wax badan ayaa dhacda.

Kolkaasuu Abuubakar rc yiri bal ina keen oo intaan u sheeg Rasuulka scw,

Goortii ay Suubanaha u soo galeen ayuu Xandala yiri Rasuulkii Alloow Munaafaq baan noqday kolkaasaa Rasuulka scw yiri "oo maxaad ula jeedaa" markaasaa Xandala ku jawaabay Rasuulkii Allow markaan kula joogno waad na wacdisaa oo Jano iyo Naar baad nooga sheekeysaa ilaa aan suuraysano sidii inay horteenaba ka muuqdaan.

Kolkaanse kaa tagno waxaan iska dhex galnaa Haweenka iyo Caruurta iyo meheradihii iyo danihii kale oo waan iska ilownaa wax badan oo aad nagu soo waanisay,

Rasuulka scw waxa uu ku jawaabay:-
"Allaha ay Naftayda Gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye hadaad daa'imi lahaydeen sida aad tihiin marka aad ila joogtaan Malaa'igta ayaa firaashyadiina dushooda iyo jidadka idinku salaami lahayd-yacni Malaa'ig oo kale ayaad noqon lahaydeen-.
Laakin Xandaloow-idinku Malaa'ig ma tihiine-arima hiinu waa saacadba saacad".

Yacni waxaa laydinku talo galay saacado Cibaado iyo Xuska Alle,saacado Shaqo iyo Danaha Qoyskiina,saacado Madadaalo iyo Hurdo iyo u raaxaynta Naftiina,Noloshu waa qaybsan tahay inaad isu dheeli tirtaanna waa wax idinka laydinka doonayo"

Walaalayaal sidaan arkayno Insaanku Malaa'ik maaha xilli kasta ku jiraya Cibaado iyo Digri Alle,
In kasta oo muhiimadda Alle u abuuray ugu muhiimsan tahay inay isaga caabudaan hadana taa kaliya looma abuurin,
Waayo wuxuu Eebe sidoo kale ugu talo galay inay Dunida camiraan oo ay Rabbi ku matalaan oo Khaliif oga noqdaan.

- ثُمَّ جَعَلْنَاكُمْ خَلَائِفَ فِي الْأَرْضِ مِن بَعْدِهِمْ لِنَنظُرَ كَيْفَ تَعْمَلُونَ (14)"
"Intaas ka dib waxaan idinka dhignay Maamulayaasha Dunida si aan u aragno bal waxa aad samaynaysaan

Sidaa darteed Akhristow ugu dambayntii waa inaan ogaanaa in Nolosha Dunidu tahay mid dheeli tiran oo nalaka doonaayo inaanan dhinacna baylihinin.

Ramadaan Mubaarak.


Rasumaltv

Waaxaan idin ka codsanayaa soo dhawayn

Post a Comment

Previous Post Next Post