MURANKA AAN MICNAHA KU DHIS NAYN WAA MUUNAD DILE AAN LAGU MACAASHIN

MURANKA AAN MICNAHA KU DHISNEYN WAA MUUNAD DILE AAN LAGA MACAASHIN.

Waxaa laga yaabaa in mar mar lagu galiyo Muran aan micno lahayn iyo dood waqti badan qaadata oo aan waxba laga dheefin.

Muranku maaha wax fiican oo laga helo faa'iido loo aayo waana falsafad khariban oo mararka qaar ku dambaysa Caro iyo Nacayb iyo Collaytan.

Markaas oo kale ayaad ka shalaysaa xamaasaddii muranka ku galisay oo goor aad daashay kuugu muuqata wax aan micno lahayn.

Kolkaas ayaad garowsataa xigmada ka dambeysa in uusan Islaamku jeclaysan muranka iyo Doodaha madhalayska ah ee aan waxba laga dheefin.

Ilaahay wuxuu yiri:-

هَاأَنتُمْ هَؤُلاء حَاجَجْتُمْ فِيمَا لَكُم بِهِ عِلمٌ فَلِمَ تُحَآجُّونَ فِيمَا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ وَاللّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ.

"Waxay idiin ahayd inaad ku doodaan wax aad Cilmi u leedihiin ee maxaad ugu doodaysaan wax aydan Cilmi u lahayn oo ay aqoontiinu ka gaabisay Ilaahay uun baa garanaya ee idinku ma garanaysaan"

: وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلا هُدًى وَلا كِتَابٍ مُّنِيرٍ [الحج: 8]

Dadka waxaa ka mid ah kuwo ku doodaya arimo Ilaahay ku saabsan iyaga oon Cilmi u lahayn hanuun iyo Kitaab ay wax ka soo dheegteena uusan jirin.

Dadka qaarkii maaha wax dood lagu khasaariyo mana astaahilaan kuwo waqti lagu lumiyo ,gaar ahaan kuwa caadeysta jikaarka,aragtidayda kuwaasi waxay u muuqdaan kuwo xargo goostay oo uu Sheydaan Madaxa ka dagay oo uu misana marin habaabiyay oon rajaba lahayn kololka qaar.

Dadka Intii Eebe hanuun u gartay waxaa ku filan waano yar oo Nasteexo iyo dhimrin wadata,hadaad aragto inuu ka soo taagan yahay ama uu ka qaadayo kibir iyo caay hala sii doodin ee ka gaabso.

Haddii uu qofka aad diin kala doodaysaa Gaal aan xaqa rumeysneyn yahayna kumaba sii jiro.

Waayo Ilaaha baa hore u sheegay waxa ay yihiin kuwa xaaladooda ay halkaa marayso.

[مَا يُجَادِلُ فِي آيَاتِ اللَّهِ إِلاَّ الَّذِينَ كَفَرُوا [غافر

"Dood kama keeno aayadaha Alle illaa mid gaaloobay oo horeba xaqa udiidanaa mooyee"

Sidoo kale waxaa haboon Dadka Masiixiyiinta ah ama Firqooyinka khaldan iyo wixii la mid ah inaan dood iyo muran lala galin oo aan Nasteexo iyo dhimrin waqti ka baxsan lagu lumin.

Waayo sidaasaa mudan Allana na faray.

وَلا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلاَّ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِلاَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ وَقُولُوا آمَنَّا بِالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْنَا وَأُنزِلَ إِلَيْكُمْ وَإِلَهُنَا وَإِلَهُكُمْ وَاحِدٌ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ [العنكبوت: 46]

"Hala murmina Ahlul kitaabka ilaa inaad wax wanaagsan usheegaysaan mooyee marka laga soo tago kuwa dulmiga wada oo iyaga ka mid ah , waxaad ku tiraahdaan waxaan rumaysanahay wixii nalagu soo dajiyay iyo wixii idinka laydinku soo dajiyay oo Kutub Samaawi ah,Ilaahayo iyo Ilaahiinu waa mid qura anaguna Allahaas uun ayaan u hogaansannahay"

Waxaa kale oo iyana habboon inay muranka iyo khilaafka iska daayaan kooxaha iska soo hor jeeda ee Ahlu Sunnaha sheegta oo haday wax isu sheegayaan si tartiib ah oo Nasteexo ah isugu gudbiyaan oo aan muran iyo qajajac lahayn.

Waayo Islaamku ma ogola arimahaas.

وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُواْ فِي الْكِتَابِ لَفِي شِقَاقٍ بَعِيدٍ [البقرة: 176]

"Kuwa isku khilaafa kitaabka si fog bay xaqa u garab marsan yihiin".

Rasuulka scw wuxuu yiri:

فعن أبي أمامة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((ما ضلَّ قوم بعد هدى كانوا عليه إلا أُوتوا الجدل. ثم قرأ رسول الله صلى الله عليه وسلم هذه الآية: مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلاَّ جَدَلاً بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ [الزخرف: 58]

"Qoom ma Lumaan intii hanuun la siiyay dabadeed illaa waxaa loo furaa dood iyo muran,kadib ayuu Nabiga scw akhriyay Aayadda micnaheedu yahay-wax tusaale iyo xigmad ah kuulama ayan imaan ilaa dood mooyee iyagu waa qoom muran badan oo iska murmaya".

- وعن عائشة رضي الله عنها، قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ((إنَّ أبغض الرجال إلى الله الألدُّ الخصم)) (5) .

"Caisha rc xadiis ay Nabiga scw ka warisay ayaa wuxuu ahaa in Rasuulka scw yiri:-"Ilaahay waxa uu dadka ugu neceb yahay kuwa muranka badan"

وعن أبي هريرة، رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((المراء في القرآن كفر))

Abuu hureyra rc Xaddiis uu Nabiga scw ka warinayo ayaa wuxuu ahaa in Rasuulka scw yiri:-"Quraanka oo dhexdiisa muran laga keenaa waa gaalnimo"

وعن أبي أمامة الباهلي رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((أنا زعيم ببيت في ربض الجنة لمن ترك المراء، وإن كان محقًّا، وببيت في وسط الجنة لمن ترك الكذب، وإن كان مازحًا، وببيت في أعلى الجنة لمن حسن خلقه))

Rasuulku scw wuxuu yiri:"Aniga waxaan u damaanad qaadayaa guri Janada darafkeeda ku yaalla ruuxii muranka ka taga xitaa isaga oo ku gar leh,waxan kale oon u damaanad qaadayaa guri Janada bartankeeda ku yaalla ruuxii beenta ka taga xitaa isaga oo kaftamaya,sidoo kalana waxaan guri Janada meesheeda ugu saraysa ku yaalla u damaanad qaadayaa ruuxii dabeecadiisa wanaajiya"

Ugu dambayntii walaalayaal waxa nala gudboon inaan iska dayno muranka iyo doodaha aan micnaha lahayn ee ku dambeeya Collaytanka,Carada iyo Nacaybka.
Kaliya aan ku ekaano doodaha wax dhisaya ee isu naseexaynta iyo dhimrinta daaran.

Waadna mahadsan tihiin.
Abdullahi M. Hussein


Rasumaltv

Waaxaan idin ka codsanayaa soo dhawayn

Post a Comment

Previous Post Next Post