DAGAALKII BADAR EE DULMIGA JABIYAY.
Dagaalkii Badar wuxuu dhacay 17kii Ramadaan Sanadkii labaad Ee Hijrada oo ku beegan 13kii marso Sanadkii 624 Miilaadiga.
Sababta Dagaalkaa waxay ahayd ka dib kolkii ay Qureysh la wareegtay wixii hanti ahaa ee Maka ka taalay Muslimiinta Madiina u soo hijrootay, ayay Muslimiintu damceen in ay jidka u galaan safar tijaaro ballaaran ah oo ay Qureysh lahayd oo Shaam ka yimid Makana ku sii jeeday,bal si ay wax uun badal ah oga helaan xoolihii iyo hantidii ay Qureysh sida dulmiga ah oga mooro duugtay.
Abuu Sufyaan oo ahaa nin dhiifoon oo taatikada dagaalka ku xeel dheer oo qaafilada safarka garwadeen ka ahaa wuxuu ka war helay in safarka iyo tijaarada uu sido lagu soo maqan yahay oo Muslimiin Madiino ka timid ay kadinka ugu jiraan si ay u meersadaan.
Isla markiiba Abuu Sufyaan wuxuu u cid diray Qureysh oo uu u sheegay in Safarkoodii khatar ku jiro,oo intaa kuma uusan ekaanine wuxuu wadada ka duway Safarkii oo uu u jiheeyay jid iyo jiho aysan ka filan karin cidda daba joogta,ilaa uu si Nabad ah kula gurya galay safarkii iyo tijaaradii saarneyd.
Qureysh kolkii ay dhiilada dul hoganaysa safarkii ay sugayeen maqashay ayay ciidan lixaad leh ku soo bixiyeen dariiqa Maka iyo Madiina u dhaxeeya si ay safarkoodii u badbaadiyaan.
hase yeeshee kolkii uu Abuu Sufyaan soo gaarsiiyay in safarkoodii badbaaday ee ay soo guryo noqdaan,sidaasi
Abuu Jahal iyo madaxyo wayntii Qureysh ayaa waxay wacad ku mareen in aysan ka noqonin ceelka Badar ilaa xoolo ku qashaan oo ay Muslimiintana gacan saaraan oo ay Carabna ku sheekeysato cududa ay maalintaa muujiyeen.
Taa waxaa ka horraysay tan iyo intii ay Muslimiinta ka soo carareen dhibaatadii Qureysh ee ay Madiina u soo hijroodeenba,Qu
Handadaadaa oo aysan Ansaarna dhag jalaq u siin jirin.
Rasuulka scw iyo Asxaabtiisa intii ay Mako joogeen wax idin ah xagga Rabi ogama aysan haysan in ay Dulmiga Qureysh gacan ka hadal iyo wax iska caabin oga jawaabaan.
Taa badalkeed Rasuulka scw wuxuu ahaa mid ku celceliya in aysan farriintiisu khasab wadanin,wuxuu ahaa mid hoga tusaaleeya in Nabad ku wada noolaanshaha iyada oo la kala duwan yahay ay tahay mid u suubata danta guud.
Waqtiyadaa waxaa Rasuulka scw ku soo dagayay Nusuus ka hadlaysay Nabadda iyo wadanoolasnshah
"لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ (6)
"Diintiina ayaad leedihiin anigana diintayda"
"وَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ لِي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ أَنْتُمْ بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ (41)
"Haday ku beeniyaan waxaad ku tiraahdaa aniga camalkayga ayaan leeyahay idinkuna camalkiina,idin
قلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّوا فَإِنَّمَا عَلَيْهِ مَا حُمِّلَ وَعَلَيْكُم مَّا حُمِّلْتُمْ "وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُوا وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ"
"Waxaad ku tiraahdaa war dadoow Ilaahay iyo Rasuulkiisa adeeca hadaad diidaan ogaada Rasuulka waxaa la saaray oo uu masuul ka yahay wixii loo diray oo gaarsiin ah,idinkuna waxaad masuul ka tihiin wixii laydin saaray oo ah inaad adeecdaan iyo in kale,hadaad Rasuulka adeecdaan waad hanuunaysaan,Ra
"فَهَلْ عَلَى الرُّسُلِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ"
"Oo ma wax kalaa Rususha loo soo diraa aan ka ahayn gaarsiin cad mooyee".
"وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ"
"Rasuulka looma soo dirin wax ka baxsan inuu si cad dadka xaqa ugaarsiiyo"
- فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ.
"Waani oo wax usheeg waayo adiga mid waaninaya oo kaliya ayaad tahay,dushoodan
- نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ.
"Waan ognahay waxa ay oranayaan,adigu
Kolkay Nabad iyo wadanoolaansho diideen Qureysh oo ay door bideen in aysan cid ka Diin duwan Mako la daganaan oo ay dagaal dil iyo xarig iyo barakicinba u gaysteen Muslimiintii Nabi Muxamad raacday ee aysan waliba ka harine ku handadayeen Meelihii ay u Qaxeen,Ayaa Rabbi faray Muslimiinta in ay dagaalamaan oo ay ka dhiidhiyaan dulmiga difaaca xaqana ay Naf iyo Maal u huraan.
Jeerkaa ayaana Rasuulka scw lagu soo dajiyay Nusuusta iyo Aayadaha farayay Jihaadka iyo difaaca xaqa iyo Diinta lala soo diray.
"أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ (39) الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِم بِغَيْرِ حَقٍّ إِلَّا أَن يَقُولُوا رَبُّنَا اللَّهُ ۗ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لَّهُدِّمَتْ صَوَامِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَاتٌ وَمَسَاجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا اسْمُ اللَّهِ كَثِيرًا ۗ وَلَيَنصُرَنَّ اللَّهُ مَن يَنصُرُهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ (40).
Waxaa la faray kuwan lala dirirayo ee la dulmiyay in ay is difaacaan Ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro.
Kuwaasi waa kuwa guryahoodii si xaqdarro ah looga soo saaray,kaliya in ay yiraahdeen Rabigayo waa Alle,Haddii aysan jiri lahayn in Dadka qaarkooda dulmiga wada lagu qabto qaar kale waxaa dumi lahaa goobo kala duwan oo Eebe lagu caabudo iyo Masaajidyo in badan Magaciisa lagu xuso,Ilaahayna wuu u gargaari ciddii mudata gargaarkiisa Eebana waa mid quwad weyn oo ay tiisa uun socoto“.
Dagaalkaa Badar tirada Muslimiinta ka qayb gashay waxay ahaayeen Seddex Boqol iyo dhowr iyo toban,tirada Qureyshna waxa ahayd ciidan ka badan Kun iyo Seddex Boqol oo qof.
Marna maahayn laba ciidan oo isu dhigmay,waxayse
Muslimiintana waxaa ka shahiiday 14 shahiid.
Guul darada maalintaa Gaalada gaartay waxay noqotay mid taariikhda gashay oo ku celisay dulmigoodii,Qab
Dagaalkii Badar Muslimiinta wuxuu u noqday cizi iyo guul gees kasta ka gargaartay,xaqi