QURAANKA IYO WAREEGA DHULKA

QURAANKA IYO WAREEGGA DHULKA!.

Kolka aad raac-raacdo qaabka Quraanka oga hadlo Dhulka iyo Meerayaasha waxaa kuu Bidhaamaysa Tixraacyo muujinaya Kubbad-nimada Dhulka iyo Meerayaasha kalaba iyo inay dhamaantood socod meeraysi ah ay leeyihiin.

kolka aad Aayaddan oo kaliya dul istaagto oo aad si xeel dheer u eegto waxaad ogaanaysaa in laga soo dhalaalin karo tafaasiil ku dhow amaba aan dhana u dhaafsaneyn kuwa Saynisku ilaa iyo iminka xaqiijiyay.

Ilaahay wuxuu yiri:-

"خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ اللَّيْلَ عَلَى النَّهَارِ وَيُكَوِّرُ النَّهَارَ عَلَى اللَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ "

“Alle wuxuu abuuray Cirka iyo Dhulka si xaq ah oon dhalanteed ahayn,wuxuuna qaab wareeg ah Habeenka oga dulkeenaa Maalinta,sidoo kalana wuxuu qaab wareeg ah Maalinta oga dulkeenaa Habeenka,Qorraxda iyo Dayaxiina wuu sakhiray,oo Mid kasta oo intaa la soo sheegay ah Waqti Xisaabsan ayay ku socdaan,War baraaruga eh Allaha sidaas wax isugu qoofalay waa mid ay tiisa oo kaliya socoto oo dambi dhaaf badan ee ogaada”.

Wuxuu kale oo Alle yiri:-

"وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ "

“Alle waa midka abuuray Habeenka iyo Maalinta iyo Qorraxda iyo Dayaxa,mid kasta oo intaas ka mid ahna wuxuu dhex dabaashaa oo uu dhex sabbeeyaa Falah (orbit)”.

Sida muuqata Aayaddana waxay inoo cadeysay halka Habeenka iyo Maalinta laga dareemo oo Dhulka ah iyo Qorraxda iyo Dayaxuba in ay ku meeraysanayaan Orbit ama Cuf isjiidad Eebe ugu talo galay.

Dhab ahaantii Quraanku Saynis maaha ee waa Hadyi xagga Rabbi ka yimid,oo uu Allaha Dunida abuuray uu isku barayo Aadanihiisa si ay u rumeeyaan una fartoomaan wanaaga uu la doonayo,una ogaadaan waxyaabo ka mid ah qaybka ka qarsoon ee ay ugu horayso jiritaanka Nolol dambe dhimashada ka dib,kuwaas oo aan lagu ogaan karin Saynis iyo Cilmi kale oo Basharku leeyahay toona,laakiin sidaasoo ay tahay qaar ka mid ah tilmaamaha Alle ka bixiyay Caalamka sare ayuun buu Sayniskuna si ku dhow tilmaamahaas maalin kasta wax uga ogaanayaa”.

Fiiro gaar ah:-Seynisku wali waa tijaabo koraysa oo maalinba wax ogaanaya ama wax ka badalaya wax uu aragti hore ku muujiyay,waxaase la hubaa ilaa iyo iminka xaqiiqo Seynisku si kama dambeys ah u sugay inuusan Quraanku marna si muuqata u khilaafin.


Rasumaltv

Waaxaan idin ka codsanayaa soo dhawayn

Post a Comment

Previous Post Next Post